Latest update April 19th, 2018 1:41 PM
Feb 15, 2018 cabdicasiis mohamed Bogga Horumarka, Dhacdooyin, Qof Muhiim ah, Wararka, Waxbarasho 0
Bandhiggii caalamiga ahaa ee buugaagta ee Qaahira oo la soo gabogabeeyey!!!
Xalay markii uu warkii Afka-carabiga ee 11:00 habeenimo ee BBCda,laanteeda Afka-carbeed ku hadashaa dhammaaday,ayaa waxa ay soo daysay laantaasi Af-carbeedka ku hadashaa barnaamij isoo jiitay oo la yidhaahdo(Caalamul-Kutub) oo Afka-Soomaaliga ku noqonaaya (Dunida-buugaagta),barnaamijkan uu daadihinaayey wariye ka tirsan qaybtaasi oo la yidhaahdo,Cumar Cabdulrisaaq,oo todobaadkiiba hal habeen ka baxa qaybtan,ayaa waxa xalay lagu soo qaatay qormadii ugu horreysay ee barnaamijkan,bandhigga caalamiga ah, ee buugaagta oo sanadkasta ka dhaca magaalada Qaahira, ee Caasimadda Masar.
hadaba,Bandhiggan oo hadda dhowr iyo afartan jirsaday oo muddo 49 sano ah, ka dhacaayey magaalada Qaahira ayaa lagu soo bandhhigay sidii caadado ba,ahayd…buugaag aad iyo aad u faro badan oo kala duwan oo qoraayaal kala duwani qoreen.Bandhiggan ayaa waxa ka soo qaybgalay dad faro badan oo isku jira,Qoraayaal,Mufakiriin,Aqoonyahanno kala duwan iyo waliba dadyoow meelo kala duwan ka kala yimaado si ay uga qaybgalaan bandhiggan oo ay ama uga faa’iideystaan nuxurka farashan qoraaleed ee meesha ka socda..ama ay ba ka soo iibsadaan buugaag qiimo leh, oo qiimahooguna jaban yahay.waxa jira iyaguna bandhigyo faro badan oo iyaguna noocan oo kale ah,oo sanad kasta ka dhaca wadamada carabta…caasimadahooga. Dhinaca kale,waxa jira dadyoow ganacsadayaal ah,oo hargeysa iyo Somaliland ba, ka taga oo xiligaasi bandhigga Qaahira bilowdo iyaguna taga oo ka soo iibsada buugtaasi kala duwan sanad walba,si ay dalka ugu iibiyaan!!! Habadaba,waxa la soo gabogabeeyey maalin dhaweyd bandhiggaasi buugta ee caalamiga ah ee ka dhacay maagalada Qaahira!
Qore:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari).
Macalin dhiga luuqadaha/Aqoonyahan School for English!!
Email:aragtiwanaagsan@gmail.com
Facebook:abdiazizyonis.
Tell:063 4175733. Hargeysa,Somaliland.
Apr 19, 2018 0
Apr 12, 2018 0
Apr 03, 2018 0
Apr 03, 2018 0
Apr 19, 2018 0
Apr 12, 2018 0
Apr 03, 2018 0
Apr 03, 2018 0
Apr 19, 2018 0
Maamulka iyo ardayda Dugsiga Aqoonyahan ee Afka-ingiriisiga lagu barto,ayaa saaka oo khamiis ah, Shahaado sharaf iyo Billad sharaf guddoonsiiyey,Ciidanka Dabdamiska Somaliland.Maamulka iyo Ardayda dugsiga Aqoonyahan iyagoo uga mahadcelinaaya ciidanka dabdamiska Somaliland,hawsha adag ee ay qaranka...